HomeCaalamkaGen. Al-Burhaan oo soo geba-gebeeyey socdaalkii uu ku tegay Suudaanta Koonfureed

Gen. Al-Burhaan oo soo geba-gebeeyey socdaalkii uu ku tegay Suudaanta Koonfureed

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan ayaa dib ugu laabtay Caasimadda KMG ee Port Sudan. Jeneraal Al-burhaani ayaa booqasho hal maalin qaadatay waxa uu ku tegay Caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, oo uu shalay gaaray. Jeneral Al-Burhan ayaa waxa uu kulan khaas […]

- Advertisement -

Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan ayaa dib ugu laabtay Caasimadda KMG ee Port Sudan.

Jeneraal Al-burhaani ayaa booqasho hal maalin qaadatay waxa uu ku tegay Caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, oo uu shalay gaaray.

- Advertisement -

Jeneral Al-Burhan ayaa waxa uu kulan khaas ah la soo yeeshay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir Mayaradit,

Kulanka ayaa labada dhinac uga wada hadleen Iskaashiga Wadajirka iyo Danaha labada dal iyo dadaalka Xal-u-helista Colaada dalka Sudan.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Port Sudan ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Jeneral Ibraahim Jaabir Ibraahim oo xubin ka ah Golaha KMG ee dalkaasi, Jeneral Maxamed Al-qaali Cali Yuusuf oo ah Xoghayaha Guud ee Golahaasi iyo Tiro Wasiirada Wilaayada Badda Cas.

- Advertisement -

W/Q Ustaad Nuradin

Latest stories