HomeWararSAFICT oo War kasoo saartay Go’aanka DFS ku xireyso aaladaha TikTok iyo...

SAFICT oo War kasoo saartay Go’aanka DFS ku xireyso aaladaha TikTok iyo Telegram

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

SAFICT waxa ay ogsoon tahay go’aankii dhawaan ay soo saartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee looga mamnuucayo gudaha Soomaaliya aaladaha dhijitaalka ee gaarka loo leeyahay, sida TikTok, Telegram, iyo 1XBET, Maadaama aan nahay urur si hagar la’aan ah ugu heellan horumarka saaxadda ICT-da dalka, waxaanu soo gudbineynaa mowqifkeena ku aaddan arrintaan kasoo baxday Wasaaradda Isgaarsiinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

SAFICT waxa ay ogsoon tahay go’aankii dhawaan ay soo saartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee looga mamnuucayo gudaha Soomaaliya aaladaha dhijitaalka ee gaarka loo leeyahay, sida TikTok, Telegram, iyo 1XBET, Maadaama aan nahay urur si hagar la’aan ah ugu heellan horumarka saaxadda ICT-da dalka, waxaanu soo gudbineynaa mowqifkeena ku aaddan arrintaan kasoo baxday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Waxaan si buuxda u taageersanahay mamnuucida 1XBET, anagoo ogsoon saamaynta xun ee la xiriirta khamaarka iyo waxyeelada kaga imaan karta bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Marka laga hadlayo TikTok, in kastoo aan lasocono inay jiraan waxyaabo xunxun oo lagu soobandhigo halkaas oo kafog anshaxa iyo suubanaanta diinta iyo dhaqanaka Soomaaliyeed, waxaa lama huraan ah in si guud loo eego markale.

- Advertisement -

TikTok, marka si wanaagsan oo xigmadeysan loo isticmaalo, wuxuu awood siin karaa bulshada, ganacsiyada waxayna kaheli karaan faa’iidooyin la taaban karo, waxey u adeegsan karaan qaab suuqgeyn ah si ay sifudud ugu gaaraan isticmaalayaasha.

Aaladda Tiktok waxey noqon kartaa mid wax laga barto, laguna soo muujiyo hal-abuurka ganacsiyada iyo dhalinyarada. Dhanka Telegram-ka, adeegsiga Telegram ee gudaha Soomaaliya waxa uu keenay caqabado iyo fursado iswata. Waxaa nasiib darro noqotay in Telegram uu noqday goob ay macluumaadka iyo xogaha kooxaha xagjirka ah ay kusoo gudbiyaan iyo sidoo kale bar lagu faafiyo waxyaabaha anshaxa xun, waxaan ogsoonahay iney keentay walaac dhanka amniga ah iyo anshaxa bulshada.

Dhanka kale, Telegram-ku waxa uu awood u leeyahay iney ka faa’ideystaan isticmaalayaasha oo ay ku kala gudbistaan farimo ammaan ah, sidoo kale wuxuu awood u leeyahay kobcinta ra’yi dhiibashada xorta ah. Marka la eego caqabadaha ku xeeran aaladahaan, waxaan aaminsanahay in hab guud oo maangal ah loo wajaho aaladaha dhijitaalka ah.

- Advertisement -

Inta aan si gaar gaar ah loo mamnuucin, waxaa muhiim ah in xoogga lasaaro fahamka bulshada ee dhijitaalka, dejinta tilmaamo iyo shuruuc cad, iyo kobcinta dareenka mas’uuliyadeed ee dhijitaalka ee isticmaalayaasha. Tani waxay gacan ka geysan doontaa kordhinta faa’iidooyinka aaladaha noocan oo kale ah iyadoo la yareynayo waxyeelada bulshada kaga imaan karta.

SAFICT waxaa ka go’an in ay door firfircoon ka qaadato doodahaas, iyada oo dhiiragelineyso jawi looga faa’iidaysan karo aaladaha waxtarka uleh bulsahda Soomaaliyeed, dhammaan iyada oo la hubinayo in la ixtiraamo oo la ilaaliyo qiyamka, dhaqanka iyo xeerarka dalka u yaalo

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts