HomeWararSomaliland oo War kasoo saartay Gaadiid ay Afduubteen Jabhad hubeysan

Somaliland oo War kasoo saartay Gaadiid ay Afduubteen Jabhad hubeysan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay fal ay dabley hubeysan dorraad ku afduubteen gaadiid ay laheyd hay’ad samafal oo lagu magacaabo Halo Trust oo ka howlgasha deegaannada Maamulkaasi iyo darawalkii waday mid kamid ah gaadiidka. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dableyda gaadiidka afduubatay ay kamid tahay Jabhada ku sugan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay fal ay dabley hubeysan dorraad ku afduubteen gaadiid ay laheyd hay’ad samafal oo lagu magacaabo Halo Trust oo ka howlgasha deegaannada Maamulkaasi iyo darawalkii waday mid kamid ah gaadiidka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dableyda gaadiidka afduubatay ay kamid tahay Jabhada ku sugan buurta gacan libaax ee kasoo horjeeda Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Somaliland sida Booliska iyo Nabadsugida ay wadaan howlgalo dib loogu soo celinayo gaadiidka iyo darawalkii la afduubtay, isla markaana ay cadaalada horkeeni doonaan dadkii fuliyay falkaasi.

“Gaadiidka la kaxaystay illaa haatan gacanta laguma soo dhigin, waxaana hawshan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Somaliland oo ay wehelinayaan ciidamada booliska ee deegaanka [uu weerarku ka dhacay]. Dawladda Somaliland waxaa ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyey falkaas” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts