HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika

Faah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa deegaan hoostaga Magalada Johannesburg ee dalkaas Koonfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada ka shaqeysata goobaha Ganacsi ee ku yaalla dalkaas. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cismaan Cabdisalaan Maxamed, waxaana xilligii la dilaayay uu ku sugnaa goob Ganacsi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa deegaan hoostaga Magalada Johannesburg ee dalkaas Koonfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada ka shaqeysata goobaha Ganacsi ee ku yaalla dalkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cismaan Cabdisalaan Maxamed, waxaana xilligii la dilaayay uu ku sugnaa goob Ganacsi uu ka shaqeynayay, isagoo u geeriyooday xabado lagu dhuftay.

- Advertisement -

Burcada ayaana la sheegay in dilka kaddib ay goobta isaga baxsadeen, waxa ayna horey usii qaateen lacago iyo sidoo kale agabyo kale oo yaallay dukaanka, sida ay sheegeen dad gurmad u tagay dukaanka falka ka dhacay

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa tagay dukaanka dilku ka dhacay , waxa ayna sheegeen in ay sameenayaan baaritaano dilkan ku aadan ayna soo qaban doonaan kooxdii ka damberesay dilka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah dilal iyo dhibaatooyin kalaba loogu geestaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, waxaana dalkaasi sannadihii lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts