HomeWararMeydadka Dhallinyaro Bada qaaday oo laga helay xeebta Geellaq ee Muqdisho

Meydadka Dhallinyaro Bada qaaday oo laga helay xeebta Geellaq ee Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Laba wiil oo dhallinyaro oo saaka u dabaal tagay xeebta halka lagu magacaabo Geellaq ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta meydadkooda laga soo saaray biyaha bada oo ah kuw aad u kacsan. Dad ku sugnaa xeebta Geellaq ayaa waxa ay kusoo warrameen in mid kamid ah labada wiil ay markii hore badu […]

- Advertisement -

Laba wiil oo dhallinyaro oo saaka u dabaal tagay xeebta halka lagu magacaabo Geellaq ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta meydadkooda laga soo saaray biyaha bada oo ah kuw aad u kacsan.

Dad ku sugnaa xeebta Geellaq ayaa waxa ay kusoo warrameen in mid kamid ah labada wiil ay markii hore badu qaaday, balse mid kalena oo la socday ayaa isku dayay inuu soo badbaadiyo saaxiibkiis, hayeeshee isna ayey biyuhu la tageen.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Xamarweyne ayaa gaaray goobta, isla markaana bada kasoo qaaday meydadka dhallinyarada bada qaaday, iyaga oo saaka u badaal aaday bada.

Maalmo kahor ayey markii wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim ay isna bada ka qaaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana markii dambe meydkiisa laga helay duleedka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Latest stories