HomeWararLabaatameeyo qof oo lagu dilay Duqeyn ay fuliyeen Diyaarado Dagaal

Labaatameeyo qof oo lagu dilay Duqeyn ay fuliyeen Diyaarado Dagaal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

22 qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Suudaan ka geysteen magaalladda Um Durmaan ee Galbeedka caasimadda dalkaasi ee Khartoum. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Dowladda ayaa lagu sheegay inay Hawlgal ka fuliyeen magaalladda Um Durmaan, kuna dileen 20 dagaalyahan oo ka tirsan ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF. Qoraalka waxaa kale […]

- Advertisement -

22 qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Suudaan ka geysteen magaalladda Um Durmaan ee Galbeedka caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Dowladda ayaa lagu sheegay inay Hawlgal ka fuliyeen magaalladda Um Durmaan, kuna dileen 20 dagaalyahan oo ka tirsan ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa kale oo lagu xusay in duqeymahaasi lagu burburiyey Gaadiidka nooca Dagaalka. Dhanka kale, Iska-horimaadyo ayaa waxa uu  Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF maanta ku dhex maray Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu dagaalku ka qarxay Koonfurta Khartoum, iyadoo la isku adeegsaday Hubka Fudud iyo kuwa Culus.

Sidoo kale, waxaa la soo weriyey inuu Dagaal ka dhacay magaalladda Baxriyah   ee Waqooyiga Khartoum,  iyadoo Diyaaradaha Dagaalka ay Duqeyn geysanayeen, lana maqlayey Dayanka Madaafiicda.

- Advertisement -

Si kastaba, dagaalka Suudaan oo ku-dhawaad 4 bilood socda waxa uu gallaaftay in ka badan 3,000 oo qof oo badankooda dad Rayid ahaa, halka ay 2.8 milyan oo kalena noqdeen Qaxooti u qaxay dalalka deriska iyo kuwa ku barakacay gudaha dalkooda.

Latest stories