HomeWararRW Xamse oo isku shaandheyn Caawa ku sameeyay qaar kamid ah Golihiisa...

RW Xamse oo isku shaandheyn Caawa ku sameeyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre: Markii uu arkay qodobka 97aad farqadiisa 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Markii uu arkay qodobka 98aad farqadiisa 2-aad ee xarfaha A & B ee Dastuurka KMG.

- Advertisement -

Markii uu arkay qodobka 100-aad xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG Markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu garowsaday baahida loo qabo in la dardargeliyo shaqada Xukuumadda.

- Advertisement -

waxa uu isku Shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada ee soo socda

1- Mudane Biixi Iimaan Cige waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2- Dr Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

3- Mudane Abuukar Jeylaani Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

4- Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta

Wasiirada cusub ee la magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda kadib marka la dhaariyo.

Latest stories