HomeWararDr. Cilmi Maxamuud “Culeysyo siyaasadeed oo badani ayaa saaran Wasaaradda Maaliyadda”

Dr. Cilmi Maxamuud “Culeysyo siyaasadeed oo badani ayaa saaran Wasaaradda Maaliyadda”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ee xalay xilka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay. Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan […]

- Advertisement -

Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ee xalay xilka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan u socoto.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya ayuu ku sheegay inuu ka tagayo xafiiska isagoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii uu xilka hayay, sidoo kalena tilmaamay inuu casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool  ah  ugu adeegno dadkeena” ayuu yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda, isagoona rajeeyay in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd.

- Advertisement -

“Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle  u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah” ayuu kusoo gab-gabeeyay Qoraalkiisa Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Latest stories