HomeWararDagaal u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC oo ka socda duleedka...

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC oo ka socda duleedka Laascaanood

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Somaliland iyo ciidanka SSC ayaa maanta ka socda duleedka Bari ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana dagaalkaas uu bilowday, kadib markii ciidanka Somaliland ay weerar soo qaadeen. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xooggan oo dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, khasaaro […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Somaliland iyo ciidanka SSC ayaa maanta ka socda duleedka Bari ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana dagaalkaas uu bilowday, kadib markii ciidanka Somaliland ay weerar soo qaadeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xooggan oo dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, khasaaro kala duwan ayaa lasoo weriyey inuu dagaalkaas ka dhacay oo labada dhinac soo kala gaaray.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale barbar socota duqeyn ay ciidanka Maamulka Somaliland ku garaacayaan xaafaddaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana sawirro lasoo qaaday ay muujinayaan dhismayaal ay ku dhaceen hoobiyeyaasha oo burburay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka SSC ay iska caabin xoogan ku sameynayaan ciidanka Maamulka Somaliland ee duullaanka kusoo qaaday, xaaladda aaga uu dagaalka ka socda ayaa ah mid cakiran.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ahayd mid deggan, inkastoo ay jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo Maamulka Somaliland ka waday aaga Goojacade.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts