HomeWararWafdi ka socda Dowladda oo Maanta kulamo xal raadin ah ka bilaabay...

Wafdi ka socda Dowladda oo Maanta kulamo xal raadin ah ka bilaabay Baraawe

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamada Maxkamada Ciidamada Darajada 1aad Col Xasan Cali Nuur Shute. Wafdiga tagay Baraawe oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada QS Col Liiban Cali Yarow, Wasiirka Gashandhiga Cabduqaadir Jaamac,  Wasiirka Cadaalada KGS […]

- Advertisement -

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamada Maxkamada Ciidamada Darajada 1aad Col Xasan Cali Nuur Shute.

Wafdiga tagay Baraawe oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada QS Col Liiban Cali Yarow, Wasiirka Gashandhiga Cabduqaadir Jaamac,  Wasiirka Cadaalada KGS iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose.

- Advertisement -

Ujeedka Mas’uuliyiintan ayaa ah dhameystirka xalka rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaalada Baraawe ee u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Federaalka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in wafdiga ay dirtay dowladda Federaalka ay durbo Baraawe ka bilaabeen kulamo xal raadin ah, isla markaana Maanta ay la kulmeen saraakiisha ciidanka dowladda ee halkaas jooga iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay wafdiga maalmaha soo socda joogi doonaan Baraawe inta ay si dhameystiran loo soo gabagabeenayo xiisadii dhawaan dhacday, si loo hubiyo loona xaqiijiyo Nabadda iyo xasiloonida Caasimadda Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Si kastaba, In ka badan 20-qof ayaa la xaqiijiyay in dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe in ay ku dhinteen ,halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, dadka dagaalka ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Latest stories