HomeWararErgeyga cusub ee QM oo sheegtay in weli xaalad Bini'aadantinimo oo khatar...

Ergeyga cusub ee QM oo sheegtay in weli xaalad Bini’aadantinimo oo khatar ay ka jirto Somalia

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay kulan gaar ah oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana Warbixin looga dhageystay Ergeya UN-ka ee Somalia Catriona Laing.

Iyada oo ka hadlaysa kulankeedii ugu horreeyay ee Golaha Ammaanka Ergeyga Gaarka ah ee Xogaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  Catriona Laing ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay safarradii ay ku soo martay Soomaaliya labadii toddobaad ee ugu horreysay  in ay indheheeda ku soo aragtay horumarka baaxadda leh ee uu dalku ka sameeyay dhinaca dawlad dhiska iyo nabad dhiska.

- Advertisement -

Ergeyga oo hadalkeeda wadata ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay  in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin magacaabista guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, meel marinta 11 sharci, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland.

Waxay intaa ku dartay   in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha, isbeddelka cimilada iyo yaraanta taageero dhaqaale.

Sidoo kale Ergeyga Gaarka ah ee Xogaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  Catriona Laing ayaa ku boorisay in la taageero 8.25 milyan oo qof oo u baahan gargaar waxayna muujisay baahida loo qabo xalal waara.

Latest stories