HomeWararGuddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland oo ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay

Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland oo ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Guddoomiyenimo ee uu ka haayay Baarlamaanka, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Laascaanood. Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray inuu xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland iska casilo, sidoo kalena wuxuu intaas kusii daray uu iska casilay xubinimada xisbiga mucaaradka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Guddoomiyenimo ee uu ka haayay Baarlamaanka, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Laascaanood.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray inuu xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland iska casilo, sidoo kalena wuxuu intaas kusii daray uu iska casilay xubinimada xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa.

- Advertisement -

Waxaa kaloo uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed tilmaamay inuu Somaliland ka haayay laba gaari oo mid uu yaallo magaalada Hargeysa, halka kan kalena uu isaga haatan ku heysto Laascaanood, isagoo xusay in kan yaalla Hargeysa la geynayo Xarunta Golaha Wakiilada, halka kan kalena lagu wareyjinayo SSC.

“Somaliland, waxaan u hayey laba gaari oo midi’i yaallo magaalada Hargeisa , midna Laascaanood , Kii Hargeisa yaalay waxaa la geynayaa beri xarunta golaha, kan Laascaanoodna waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-Khaatumo” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif .

Si kastaba, Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu maanta iska casilay uga qaadi laheyd.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts