HomeWararTaliska Booliska oo War kasoo saaray Weerarka weli ka socda Hotelka Pearl...

Taliska Booliska oo War kasoo saaray Weerarka weli ka socda Hotelka Pearl Beach

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarka ka socda hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir oo Caawa Al-Shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay wadaan howlgal ay kusoo afjarayaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarka ka socda hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir oo Caawa Al-Shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay wadaan howlgal ay kusoo afjarayaan weerarka lagu qaaday hotelka Pearl Beach oo haatan ay ka dhex dagaalamayaan xubno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka amniga.

- Advertisement -

Sidoo kale Booliska ayaa intaas kusii daray in ciidanka amniga ay soo badbaadiyeen dad farabadan oo shacab ah oo ku sugnaa hotelka, ayan weli wadaan soo badbaadinta dad kale oo weli ku go’doonsan hotelka oo ka socoto haatan rasaas xoog leh.

“Ciidamada amniga ayaa dad badan oo shacab ah ka soo badbaadiyay goobta, hawlgalku ayaana weli socda   iyadoona uu goobta joogo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi oo Howgalka hugaaminaya” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka ku bilowday qaraxyada ee caawa lagu qaaday hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, in kastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts