HomeWararRW Xamse magacaabay Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda

RW Xamse magacaabay Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka arrimaha gudaha , federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi, waxaana xubno ka ah, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Maaliyadda, Dr; Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Xannaanada Xoolaha , dhirta iyo daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,  Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Latest stories