HomeWararDiyaaraddii ugu horreysay ee Sidda Soomaali laga soo daadgureeyay Colaadda Sudan oo...

Diyaaraddii ugu horreysay ee Sidda Soomaali laga soo daadgureeyay Colaadda Sudan oo Muqdisho kasoo degtay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Soomaaliya ayaa billawday soo daadguraynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Dalka Suudaan ee haatan ay ka taagan tahay Colaadda sokeeeye,taasi oo saamneyn xooggan ku yeelatay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaaasi. Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kasoo degay muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa billawday soo daadguraynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Dalka Suudaan ee haatan ay ka taagan tahay Colaadda sokeeeye,taasi oo saamneyn xooggan ku yeelatay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaaasi.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kasoo degay muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Tirada guud ee Mawaadiniinta saaka la keenay ayaa lagu sheegay 18 ruux oo laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.

Wasiirka Difaaca dowladda Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kaalin weyn ka qaatay soo daad-guraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaan sida uu sheegay Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Cabdiraxmaan Nuur Diinaari.

Dalka Suudaan oo Colaadda ka jirta ay marba marka ka dambeysa ay sii xoogaysanee ayaa waxaa ay saameyn ku yeelatay Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi waxbaarsho jogay iyo kuwo ganacsiyo kulahaa, waxaana qaar dalka Itoobiya gaaray muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed oo ka baxsaday Colaadda Suudaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts