HomeWararCiidamada Dowladda oo isaga baxay Degmada Galcad, kadib Weerarkii shalay dhacay

Ciidamada Dowladda oo isaga baxay Degmada Galcad, kadib Weerarkii shalay dhacay

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan ka heleyno degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in degmadaas ay isaga baxeen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB iyo Gor-gor oo maalmo kahor kala wareegay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee la wareegay Galcad lagu amray inay isaga baxaan degmadaas oo uu shalay dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku qaaday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan Ururka 52-aad iyo dadka deegaanka oo iyaguna u socday Galcad ay dib  ugu laabteen deegaanka Cali Axmed ee Gobolka Shabeellaha Dhaxe oo markii hore ay ka soo ruuqaansadeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xoog leh ayaa ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada kumaandooska DANAB ay ku leeyihiin degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Dadka ku dhintay weerarkii Galcad ayaa waxaa ku jiray Taliye ku-xigeenkii ciidamada DANAB oo lagu dilay magacaabi jiray Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo loo yaqaannay Xasan Tuurre, Dowladda ayaa sheegtay in dagaalkii Galcad ku dishay in ka badan 100 dagaalame oo Shabaab ahaa.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories