HomeWararDarawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho & Dad careysan oo xirtay...

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho & Dad careysan oo xirtay waddo muhiim

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta darawal Mooto Bajaaj ku dilay bartamaha isgoyska howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, waxaana goobta ka baxsaday Askriga falkaas geystay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga uu si bareer ah rasaas ugu furay darawalka Mooto Bjaaj oo ahaa wiil dhallinyaro ah, waxaana meydkiisa uu dhowr iyo toban daqiiqo uu dhex saarnaa mootada lagu dhex dilay.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle, isagoo kamid ahaa darawalada ku shaqeysata mooto Bajaajta, falka kadib ayaa waxaa bilowday banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah darawalada Bajaajta iyo dad kale oo dilkaasi ka careysan.

Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa waxaa ay xirteen wadada laamiga bartamaha howlwadaag ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa ay ku gubayaan taayaro waaweyn, iyagoona sidoo kale dhagxaan ku tuuraya Askarta ka tirsan Ciidanka Booliska.

Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay darawalo farabadan oo ku shaqeysan jirtay Mooto Bajaajta, waxaana inta badan falalkaas u geystay Askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories