HomeWararXog: Maxay tahay xarunta cusub ee 'Halmeel' ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga “Halmeel”

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee “Halmeel”, oo hoos tagi doonta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana loo asteeyey isku dubaridka iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha, Hamza Abdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa adeegyada dowladda, loona fududeyn lahaa helitaankooda si muwaadiniintu ay hal meel uga heli karaan adeegyo kala duwan oo isku xiran.

- Advertisement -

Xarunta “Halmeel” ayaa lagu sheegay mid ka shaqeyn doonta isku xirka hay’adaha dowladda, dib-u-habeynta adeegyada adag, iyo yareynta nidaamka xafiisyada badan, si loo kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeeg bixinta. Sidoo kale, waxay fududeyn doontaa isdhaafsiga xogta hay’adaha dowladda, taas oo muwaadiniinta ka badbaadin doonta in xog isku mid ah marar badan meelo kala duwan lagu bixiyo.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis hoos yimaada United Nations ee sharciga badaha, gaar ahaan heshiiska ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee meelaha ka baxsan awoodda qaran (BBNJ Agreement).

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, dhaqaalaha, iyo xaaladda wabiyada dalka, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey ciidamada qalabka sida, kaddib markii warbixintii amniga ay muujisay horumar muuqda iyo hoos u dhac ku yimid falalkii amni darro ee dalka.

Ugu dambeyn, kulankan Golaha Wasiirrada ayaa muujinaya dadaallada dowladda ee ku aaddan casriyeynta adeegyada, xoojinta amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah nolosha muwaadiniinta.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts