HomeWararMadaxweyne Qoorqoor iyo saraakiisha Ciidamada oo kulan ka yeeshay Amniga Xarardheere

Madaxweyne Qoorqoor iyo saraakiisha Ciidamada oo kulan ka yeeshay Amniga Xarardheere

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa shir guddoomiyay kulanka looga hadlayay adkeynta amniga degmada Xarardheere iyo xoraynta Deegaanada kale ee Al Shabaab ka joogaa Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xog waraystay Saraakiisha Amniga degmada Xarardheer ee Gobolka Mudug iyo qorshayaasha ka socda ee ku aaddan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee kasii socda deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dalbaday inay dardar-geliyaan howlgalada Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanayay ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen degmooyinka Xarardheere, Galcad iyo Ceeldheer oo sanno badan ay ku sugnaayeen  Shabaabka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories