HomeWararPuntland oo sheegtay inay dishay Madaxii howlgallada Daacish ee Gobolka Bari

Puntland oo sheegtay inay dishay Madaxii howlgallada Daacish ee Gobolka Bari

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliska ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay dileen madaxii howlgallada Ururka Daacish ee Gobolka Bari, kadib markii uu dagaal dhexmaray ciidanka Puntland iyo xubno ka tirsanaa Daacish oo weerar ku qaaday Saldhig ku yaal degmada Bali-dhidhin. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ninka la dilay oo lagu magacaabi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay dileen madaxii howlgallada Ururka Daacish ee Gobolka Bari, kadib markii uu dagaal dhexmaray ciidanka Puntland iyo xubno ka tirsanaa Daacish oo weerar ku qaaday Saldhig ku yaal degmada Bali-dhidhin.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani uu ahaa madaxdii howlgallada Daacish, isla markaana lagu dilay dagaal ciidanka Puntland iyo xubno ka tirsan Daacish ku dhexmaray Bali-dhidhin.

- Advertisement -

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inay ka hortagtay weerar xubno ka tirsanaa Daacish kusoo qaadeen Saldhiga ciidanka Puntland ee Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, wuxuunka weerarka dhacay habeen kahor.

“Iska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11kii, July 2021 xilligiis oo ladilay madaxii hore ee hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray Dagaalkii Daacish lagu qaaday ee ay Ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka Buuraleyda Calmiskaad” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska.

Abu-Albara Al Amani ayaa ka soo jeeda Gobolka Amara ee dalka Itoobiya, kaas oo itoobiyaan badan ku khasbay inay ku biiraan Daacish, wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidanka Puntland uu hal Askari uga dhintay weerarkii degmada Bali-dhidhin.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts