HomeWararRW Xamse Barre oo Sheegay in Dowladdu ay xirtay 250 akoon oo...

RW Xamse Barre oo Sheegay in Dowladdu ay xirtay 250 akoon oo AL-Shabaab lahaayeen

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday Al-shabaab.

Ra’isul Wasaahara ayaa sheegay inay Al-shabaab ay ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 bangi. Wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood

- Advertisement -

Xamse Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaabku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’

“Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo numberada la xiray. Wuxuu ammaanay wasaarado ay ka mid yihiin warfaafinta, maaliyadda iyo isgaarsiinta oo ay sheegay ‘inay kaalintooda ka qaateen dagaalka dhinaca maaliyadda ah; ee ka dhanka ah Al-shabaab.

- Advertisement -

Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’.

Latest stories