HomeWararDeni oo Munaasabadda waxqabadkiisa 4-ta sano ka sheegay Sababta uusan u saxiixin...

Deni oo Munaasabadda waxqabadkiisa 4-ta sano ka sheegay Sababta uusan u saxiixin Qodobadii Shirkii G/Wadatashiga

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda Bandhiga waxqabadka 4-sano ee lasoo dhaafay iyo Daah-furka Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2023. Munaasabadda 8-January 2023, ayaa si ka duwan Sidii hore loo xusay xalay, Iyadoo lagu soo bandhigay Waxqabadka Dowladda ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda Bandhiga waxqabadka 4-sano ee lasoo dhaafay iyo Daah-furka Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2023.

Munaasabadda 8-January 2023, ayaa si ka duwan Sidii hore loo xusay xalay, Iyadoo lagu soo bandhigay Waxqabadka Dowladda ee Afartii sano ee lasoo dhaafay, oo lagu soo gudbiyey Qoraal, Buug daabacan iyo Dukumenteri maqal iyo muuqaal ah.

- Advertisement -

Waxaa Bulshada iyo Warbaahinta oo toos u tebinaysay lala wadaagay Yoolashii Madaxweynaha ee xiligii olihiisii Doorashada, Habka yoolkasta loogu jaangooyay qordhe dhameystiran iyo Waxyaabaha ka qabsoomay sida Amniga, Ciidamada, Dimuqraadiyadda, Maaliyadda, Waddooyinka la dhisayo iyo Garsoorka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, Goleyaasha Dowladda ,Golaha Garsoorka, Ururada Siyaasadda Puntland, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Wakiillada Puntland, Saraakiisha Ciidanka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhanka kale Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sababta Puntland aysan u saxiixin Qodobadii kasoo baxay shirkii Madasha Watashiga Qaranka  ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in  puntland ay diiday laba qodob oo mid garsoor Madax banaan  iyo qodob kale oo ah Awoodaha Dawlada iyo Maamulk goboleedyada oo aan waafaqsaneyn sida uu sheegay Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka.

Latest stories