HomeWararGuddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay rabshadaha ka socda Magaalada Laascaanood

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay rabshadaha ka socda Magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo dad shacab ah ay ku dhinteen. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo warbaahinta shir jaraa’id galabta u qabtay warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xasuuqa ay  ciidamada Booliska Somaliland u geysteen dadkii banaanbaxyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo warbaahinta shir jaraa’id galabta u qabtay warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xasuuqa ay  ciidamada Booliska Somaliland u geysteen dadkii banaanbaxyada ka wada magaalada Laascaanood.

- Advertisement -

“Xukuumadda Somaliland Waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo Banaanbax dhigaya in Xabado lagu furo oo la dilo waa wax laga xumaado waana in la joojiyaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi xaashi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Bulshada magaalada Laascaanood ugu baaqay in ay is-dajiyaan isla markaasna aan la sameyn wax nabadda wax u dhibaya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Somaliland iyo Shacabka Laascaanood u soo jeediyay wada-hadal iyo in la joojiyo rabshada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts