HomeWararMareykanka oo faah-faahiyey Duqeyn cusub uu ka fuliyey Shabeellaha Dhexe

Mareykanka oo faah-faahiyey Duqeyn cusub uu ka fuliyey Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taliska ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn cirka ah oo jimcihii lasoo dhaafay diyaaradooda Mareykanka ka fuliyeen meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle. Taliska AFRICOM oo War kasoo saaray duqeynta dhacday ayuu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsanaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn cirka ah oo jimcihii lasoo dhaafay diyaaradooda Mareykanka ka fuliyeen meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Taliska AFRICOM oo War kasoo saaray duqeynta dhacday ayuu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa meel ku dhow degmada Cadale, isla markaana khasaaro la gaarsiiyay Shabaabka, waa sida la yiri.

- Advertisement -

Duqeynta Mareykanka oo ku timid Codsi dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, mana jiro khasaaro kale oo ka dhashay duqeyntaas, oo gaaray dadka shacabka ah ee goobta ka agdhawaa.

Waa duqeyntii saddexaad oo muddo maalmood gudahood ah ee diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ka geysteen gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta koowaad oo dhacday 14-kii December ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, duqeynta labaad ayaa iyaduna dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay uu shaaciyay Taliska AFRICOM.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts