HomeWararEedaysanayaal loo haysto ka Ganacsiga Maandooriyaha oo Xukun lagu riday

Eedaysanayaal loo haysto ka Ganacsiga Maandooriyaha oo Xukun lagu riday

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maxkamdada Ciidamada Puntland ee Puntland u qaabilsan Gobolada Sool iyo Nugaal ayaa Xukun ku ridday Eedaysanayaal loo soo xiray inay ka ganacsiga Maandooriyaha,kuwaasi oo horay ay Ciidanku ammaanku gcanta kusoo dhigeen. Maxkamadda oo maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiska askar ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga ayaa ku ridday xukunno kala duwan. Shakhsiyaadka eedeysanayaasha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamdada Ciidamada Puntland ee Puntland u qaabilsan Gobolada Sool iyo Nugaal ayaa Xukun ku ridday Eedaysanayaal loo soo xiray inay ka ganacsiga Maandooriyaha,kuwaasi oo horay ay Ciidanku ammaanku gcanta kusoo dhigeen.

Maxkamadda oo maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiska askar ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga ayaa ku ridday xukunno kala duwan.

- Advertisement -

Shakhsiyaadka eedeysanayaasha ah ayaa waxaa ka mid ahaa rag ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo baxsad ku maqan kadib markii gaariga laga qabtay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga.

Waxaana sidoo kale Maxkamadda la hor-keenay gaari NOAH ah oo ay ku raran yihiin 54 dhalo oo khamri ah, taasi oo Ciidamada amamanka ay soo qabteen, xili la doonayay in la siaga kala gudbiyo degaaanada Maaamulka Puntland.

Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sano oo xabsi ah iyo  $2000 kun oo ganaax ah ku xukuntay dhammaan eedaysanayaasha maqan waxaana ay sheegtay in xukunkoodu ka bilaaban doono maalinta la qabto.

- Advertisement -

Sidoo kale Gaariga Khamriga lagu soo qabtay waxaa ay maxkamaddu u xukuntay DowLad Goboleedka Puntland, waxaana la wareegaya maamulka, halka dhalooyinka khamrigana la burburiyay.

Degaaanda Dowlad Goboleedka Puntland inta badan waxaa lagu soo qabtaa ganacsato iyo mas’uuliyiin ku lug leh ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo Ciidanka ammaanka Howgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ay kusoo qabteen khamri aad u farabadan oo la doonayay in degaanada maamulkaasi la isaga kala gudbiyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts