HomeWararGuddoomiye Aadan Madoobe oo beeniyay Warka la faafiyey ee la xiriira Fahad...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo beeniyay Warka la faafiyey ee la xiriira Fahad Yaasiin

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu ku dhawaaqay in Fahad Yaasiin uu yahay Xildhibaan rasmi ah, ayna sharci aheyd doorashadii uu kusoo baxay kursiga Hope #086, balse Guddoomiyaha ayaa Warkaas ka hadlay. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu ku dhawaaqay in Fahad Yaasiin uu yahay Xildhibaan rasmi ah, ayna sharci aheyd doorashadii uu kusoo baxay kursiga Hope #086, balse Guddoomiyaha ayaa Warkaas ka hadlay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu beeniyay wararka lagu faafiyay baraha Bulshada ee lagu sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sharci ka dhigay doorashadii uu kusoo baxay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

- Advertisement -

“Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah” ayaa lagu  yiri Qoraalka Guddoomiyaha.

Sdioo kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay digtoonaadaan warqadaha been abuuurka ah, wuxuuna intaas kusii daray inay socdaan baaritaano uu sameeynayo Xafiiska Guddoomiyaha, isla markaana cid calaa cidii Ka dambeysay falkaan lagu faafiyay warqada lala tiigsan doono sharciga.

Guddigii doorashooyinka heer Federaal ee ka shaqeynayey arrimihii doorashada kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ka dhigay doorashadii uu kusoo baxay Fahad Yaasiin ee loogu doortay Hope #086, taasi oo ka dhacday magaalada Baladweyne.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts