HomeWararTaliska Booliska Nugaal oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Amniga Garoowe

Taliska Booliska Nugaal oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Amniga Garoowe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka qabsoomay shir ay yeesheen laamaha ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee Gobolkaas, waxaana inta uu socday looga hadlaayay sugida amniga caasimadda Maamulka ee Garoowe. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha hubeysan iyo kuwa Mandooriyaha ka ganacsada, oo saraakiisha amniga ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka qabsoomay shir ay yeesheen laamaha ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee Gobolkaas, waxaana inta uu socday looga hadlaayay sugida amniga caasimadda Maamulka ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha hubeysan iyo kuwa Mandooriyaha ka ganacsada, oo saraakiisha amniga ay sheegeen inay beegsan doonaan, si looga hortego waxyaabahaas.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska Puntland Sareeyo Guute Muumin Cabdi Shire ayaa ku amray Sarakiisha inay howlgalada sii wadan dagaal adagna lala galo kooxaha Mandooriyaha iyo waxa loogu yeero Argagixisada si amniga caasimadda Garoowe kor loogu sii qaado.

Sidoo kale u simaha Taliyaha qaybta Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul ayaa warbixin ka dhagaystay Sarakiisha Saldhigyada iyo Rugaha ee Garowe. Taliye ku xigeenka qaybta booliska Nugaal G/le Fardafuul ayaa Sarakiisha ku bogaadiyay shaqada culus ay qabteen iyo heeganka ay ciidamadu ku jiraan.

Shirka aaya waxaa ka qeyb galay Hogaanka Laanta Wadooyinka Puntland G/Sare Cabdifataax Siciid Salebaan iyo Kusimaha Taliyaha qaybta booliska Nugaal ahna Taliye ku xigeenka Nugaa G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts