HomeWararAl-shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan G/Baay, kadib Dagaal culus oo...

Al-shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan G/Baay, kadib Dagaal culus oo dhacay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii halkaas uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Deynuunay ay isaga baxeen ciidamadii dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii halkaas uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Deynuunay ay isaga baxeen ciidamadii dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee joogay deegaanka, waxaana durbadii qabsaday Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay.

- Advertisement -

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Shabaabka weerar xooggan kusoo qaaday deegaanka, isla markaana dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan keenay in ciidamada dowladda dib u gurasho ka sameeyaan Deynuunay ee Gobolka Baay.

Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka, sidoo kalena ay jiraan Askar dhimatay, in kastoo si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada, Al-shabaab dhankooda ayaa la tilmaamay inuu khasaaro soo gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qaybta 60-aad, ayaa weli ka hadlin dagaalkii cuslaa ee shalay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray Deynuunay ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Si kastaba ha’ahaatee, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer la wareegtay Deynuunay oo ay ugu dhaceen dagaalo, waxaana la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Deynuunay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts