HomeWararDowladda Federaalka oo Eedeyn adag u jeedisay Ganacsatada qaadka ka ganacsata

Dowladda Federaalka oo Eedeyn adag u jeedisay Ganacsatada qaadka ka ganacsata

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya shaaca ka qaaday in Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiloogaraamka. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada ay ku diideen Ganacsatada qaadka bixinta canshuurta ay tahay wax […]

- Advertisement -

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya shaaca ka qaaday in Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiloogaraamka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada ay ku diideen Ganacsatada qaadka bixinta canshuurta ay tahay wax la aqbali karin, iyagoo xusay inay ka go’tahay in si cadaalada ah loo canshuuro agabka lasoo dejiyo.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in nidaamka cabbirka kiloogaraamka ah uu yahay halbeega ugu haboon ee lagu cabirikaro canshuurta qaadka laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya, kaasi oo aan waxba ka bedelaynin qiimaha canshuurta la qaadi jiray.

“Hase ahaatee habkaan cusub ayaa ah mid daahfuran oo la jaan qaadaya dunida isla markaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo Dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay si dhaw oo qaddarin iyo waxtar leh ula shaqeyso ganacasatada oo dhan oo ah lafdhabarka dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Maaliyadda dowladda.

Shalay ayey aheyd markii Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay sheegeen in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kala soo bixi waayeen qaadkii laga kala keenay dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyagoona eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Latest stories