HomeWararShir lagu soo Bandhigay Istaraatijiyadda Xasillinta degaanada laga saaray AS oo ka...

Shir lagu soo Bandhigay Istaraatijiyadda Xasillinta degaanada laga saaray AS oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta daah-furay shir lagu soo bandhigay Istaraatijiyadda Qaran ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab oo ay ka soo qayb galeen Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya. Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Wasaaradaha ku shaqada leh Arrimaha xasillinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta daah-furay shir lagu soo bandhigay Istaraatijiyadda Qaran ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab oo ay ka soo qayb galeen Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Wasaaradaha ku shaqada leh Arrimaha xasillinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa lagu soo bandhigay warbixinno waafi ah oo sharraxaya hawl-galladii u dambeeyey ee xorraynta iyo horumarrada laga sameeyey sidii adeegga aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa goobaha soo galay gacanta Dawladda.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gacan gargaar lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee muddo ku sugnaa deegaanada la xorreeyay, isla markaana loo baahan yahay in la iska kaashado fulinta qorshahan ballaaran ee xasillinta ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka warbixiyey guulaha laga gaaray hawlagallada dalka looga xoraynayo deegannada Al-shabaab ku sugan yihiin iyadoo kaashanaysa dadka deegaankan oo u abaabulan sidii ay iskaga xorayn lahaayeen.

Latest stories