HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Nin dil ka...

Taliska Booliska oo shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Nin dil ka geysan rabay Muqdisho

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu dil u geysan rabay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Ilaalada deegaanka Xamar. Afhayeenka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninka […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu dil u geysan rabay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Ilaalada deegaanka Xamar.

Afhayeenka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninka hubeysan oo watay bastoolad.

- Advertisement -

Afhayeen Sadiiq ayaa xusay in ninka xilligii la qabanayay uu doonayay inuu degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar, ninka ayaana magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Deg Wadajir gacanta ku soo dhigay Eedeysane Khawaarij Muxsin Cali Mustaf ina Hooyo Iisho Muqtaar Cali iyo bastooladiisa, oo maanta 09:50 barqanimo xili uu ku howlanaa inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar” ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Duudishe.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale gacanta ugu soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalda caasimadda ah ee Muqdisho.

Latest stories