HomeWararCiidanka Somaliland oo gacanta kusoo dhigay Nin dil ka geystay Magaalada Hargeysa

Ciidanka Somaliland oo gacanta kusoo dhigay Nin dil ka geystay Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Nin habeen hore fal dil ah ka geystay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib howlgalo magaaladaas  ka sameeyeen ciidamada Booliska Maamulka. Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in Ninka falka geystay oo lagu magacaabo Faarax Cabdi uu dilay Marxuum lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Nin habeen hore fal dil ah ka geystay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib howlgalo magaaladaas  ka sameeyeen ciidamada Booliska Maamulka.

Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in Ninka falka geystay oo lagu magacaabo Faarax Cabdi uu dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Jimcaale Rashiid Xasan, waxaana lagu dhex dilay gudaha hotelka Niil ee Hargeysa.

- Advertisement -

Booliska ayaa tilmaamay in Faarax Cabdi uu dilka u adeegsaday Tooreey ama middi oo uu qoorta kaga dhuftay Jimcaale Rashiid Xasan oo durbadiiba goobta ku geeriyooday, waxaana marxuumka da’diisa aheyd 25-sanno jir.

Laamaha amaanka ee maamulka Somaliland ayaa ku goodiyay iney talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan cid kasta oo dil geysata, iyagoo sheegay in kiiskan uu cadaalada wajihi doono.

Si kastaba laamaha ammaanka Somaliland ayaa dhowr jeer oo horey waxaa ay sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigeen rag falal dil ah ka geystay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts