HomeWararGuddoomiye Yuusuf Madaale oo laba Arrin kala hadlay Safiirka cusub ee Qatar

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo laba Arrin kala hadlay Safiirka cusub ee Qatar

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Qatar dhawaan usoo Magacawday dalka Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa Md. Naasir iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Abuubakar Kulanka dhexmaray Guddoomiye Madaale iyo Safiirka Qatar ayaa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Qatar dhawaan usoo Magacawday dalka Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa Md. Naasir iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Abuubakar

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Madaale iyo Safiirka Qatar ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo midka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar,

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Qatar kaalinta ay ka qaataan Caawinta Shacabka Soomaaliyeed sida: Gar-gaarka bini-aadannimo oo ay mar weliba la garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed, dhismaha Wadooyinka waaweyn ee isku xera Muqdisho – Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo Dib-u-dhiska ay ku sameeyeen xarumo badan oo Dowladeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen  Shaqo Abuurka dhalinyradda Soomaaliyeed,  dib-u-dhiska Caasimadda, maadaama culeesyada ugu weyn ee Muqdisho heysta ay ugu horeeyaan biyo mareenada  iyo sidii loo dar-dargelin lahaa heshiisyada mataaneen ee ka dhaxeeya Doha iyo Muqdisho.

Latest stories