HomeWararSawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degaanka Nuur-dugle lana hadlay macwiisleyda

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degaanka Nuur-dugle lana hadlay macwiisleyda

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya dagaalka lagula jiro Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya dagaalka lagula jiro Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan As, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan Shabaab, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.

- Advertisement -

 

Latest stories