HomeWararDowladda Federaalka oo ka hadashay hakadka ku yimid Dagaaladii lagula jiray AS

Dowladda Federaalka oo ka hadashay hakadka ku yimid Dagaaladii lagula jiray AS

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta keentay inuu hakad ku yimaado dagaaladii ka dhanka ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in dagaaladii ka socday dalka aysan hakad aheyn, […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta keentay inuu hakad ku yimaado dagaaladii ka dhanka ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in dagaaladii ka socday dalka aysan hakad aheyn, hayeeshee dowladda ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay isticmaaleyso xeelado kale oo ay ku qorsheyneyso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, in kastoo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiiga Xukuumadda ka gaabsaday inuu kusii dheeraado arrintaas.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay haatan ku howlan tahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada deegaanadii dhawaan lagala wareegay Shabaabka.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto qorshaheeda dagaalka, iyadoo si rasmi ah hoggaanka ugu qabaneysa xoogagga deegaanka iyo ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

- Advertisement -

Si kastaba waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaan iyo Al-shabaab ay ka dhaceen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Latest stories