HomeWararMaamulka Degmada Warsheekh oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Maamulka Degmada Warsheekh oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Xasan Maxamed Axmed Darafey oo xarunta degmada wareysi ku siiyay Telefashinka Dalsan ayaa beeniyay maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha Bulshada. Guddoomiye Xasan Darafey ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegayey in duleedka degmada Warsheekh iyo agagaarka degmadaas dhac loogu geystay gaari ay saarnaayeen […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Xasan Maxamed Axmed Darafey oo xarunta degmada wareysi ku siiyay Telefashinka Dalsan ayaa beeniyay maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha Bulshada.

Guddoomiye Xasan Darafey ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegayey in duleedka degmada Warsheekh iyo agagaarka degmadaas dhac loogu geystay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo safar ahaa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa waxaa uu intaas kusii daray in habeeno kahor ay kormeer ku sameeyeen dhowr tuulo oo hoostagta degmada, isla markaana aysan jirin kooxo burcad ah oo Isbaaro u taalla ama wadada dad safar ahaa ku dhacay.

Sidoo kale Guddoomiye Darafey ayaa tilmaamay in dadka shacabka ee safarka ah looga baahan yahay inay Maamulka degmada kusoo wargeliyaan haddii ay dhibaato la kulmaan, si looga hortago wax kasta oo gaadiidka iyo shacabka dhibaato ku ah.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dadka wararka been abuurka ah ku faafiya baraha Bulshada ka dalbaday inay joojiyaan, oo aysan ka shaqeynin waxyaabo aan deegaanka ka jirin.

Latest stories