HomeWararRW Xamse o kulan la qaatay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo...

RW Xamse o kulan la qaatay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, tan Caalamiga iyo midda Dowladda oo uu kala hadlay doorka warfaafintu ay ku leedahay dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo ka wacyi gelinta bulshada dhibaatooyinka fikradaha xagjirka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, tan Caalamiga iyo midda Dowladda oo uu kala hadlay doorka warfaafintu ay ku leedahay dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo ka wacyi gelinta bulshada dhibaatooyinka fikradaha xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda warbaahinta warbixin ku saabsan wixii Xukuumadda DanQaran u qabsoomay 100-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo qorshaha dib u xoreynta dalka iyo howlgallada wadajirka ah ee shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada AL-Shabaab haystaan.

- Advertisement -

Mudane Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu qirsan tahay ahmiyadda ay leedahay warbaahin xor ah, xilkas ah oo dadkana ugu adeegta si masuuliyad ku jirto, isaga oo ku ammaanay dadaalka iyo xaaladaha khalafsan ee ay ku soo shaqeeyeen, isla markaana ku dhiirigeliyey in maanta oo dalku halgan adag ku jirana loo baahan yahay in warbaahintu ay qeybteeda ka qaadato badbaadinta jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Daud Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimow iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts