HomeWararSomaliland oo Maanta shaacisay in lagu leeyahay Lacag Deyn ah oo dhan...

Somaliland oo Maanta shaacisay in lagu leeyahay Lacag Deyn ah oo dhan 45 Milyan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa Maanta ku dhawaaqay in Maamulka Somaliland lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan ah $45 milyan oo dollar, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa. Wasiir Sacad Shire ayaa waxaa uu sheegay in lacagta deynta ee lagu leeyahay Somaliland ay gaareyso $45 milyan, isla markaana lacagtaas […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa Maanta ku dhawaaqay in Maamulka Somaliland lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan ah $45 milyan oo dollar, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiir Sacad Shire ayaa waxaa uu sheegay in lacagta deynta ee lagu leeyahay Somaliland ay gaareyso $45 milyan, isla markaana lacagtaas ay ku baxday kaabayaal, mashaariic horumarineed iyo arrimo la xiriira amniga iyo saanado Ciidan.

- Advertisement -

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray Wasiirka Maaliyada in xogta deynta lagu leeyahay ay tahay mid keydsan oo ay u qorsheysan tahay in mid kastaba xiligeeda la bixiyo, isagoona xusay in Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay deynta kala soo wareegtay Xukuumadihii ka horeeyay.

“Daynta 45 milyan ee aan sheegay %56 waxaynu kala soo wareegnay dowladihii hore, dowladanba maaha, intii hore iyo intanba markaad eegto runtii meesha lacagtu ku baxday waa kaabayaal, waliba kaabayaashii aynu dib u qaramaynay ayaa %40 ka ah, %49 waxa ka ah wax la xiriira amniga ama saanad ciidan” ayuu yiri Wasiirka.

Gaba-gabadii Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire Wasiirka ayaa tilmaamay in ay wax caadiyada tahay in dowladuhu deynta qaataan, isaga oo sheegay in Jabuuti 1 bilyan oo dollar oo deyn ah lagu leeyahay, halka Kenya-na 70 bilyan lagu leeyahay, waxa uu sheegay in dhamaan lacagtan lagu maalgaliyay wax loo baahnaa.

Latest stories