HomeWararErgayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia oo soo saaray Magaalada...

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia oo soo saaray Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ‘si uu ula wareego howlihiisa’, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS. Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros ayaa waxaa xilkan bishii September u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ‘si uu ula wareego howlihiisa’, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS.

Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros ayaa waxaa xilkan bishii September u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

- Advertisement -

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada midowga Afrika ee ATMIS.

Wixii ka horreeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

- Advertisement -

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April, isaga oo ku eedeeyay ‘inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.’

Latest stories