HomeWararIsrasaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Magaalada Garoowe & Booliska oo ka...

Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Magaalada Garoowe & Booliska oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa xalay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay waxyaabaha maandooriyaha ah, falkaas ayaana geystay khasaaro. Rasaasta ayaa bilaabatay, ka gadaal markii Ciidanka Booliska Puntland oo Garoowe ka waday howlgalo qorsheysan ay isku dayeen inay ku qabtaan rag hubeysan oo […]

- Advertisement -

Waxaa xalay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay waxyaabaha maandooriyaha ah, falkaas ayaana geystay khasaaro.

Rasaasta ayaa bilaabatay, ka gadaal markii Ciidanka Booliska Puntland oo Garoowe ka waday howlgalo qorsheysan ay isku dayeen inay ku qabtaan rag hubeysan oo xilligaas ka ganacsanayay maandooriye, waxaana dhacay iska horimaad dhexmaray labada dhinac.

- Advertisement -

Taliska Booliska Gobolka Nugaal oo War kasoo saaray dhacdadaan ayaa waxaa sheegay in howlgalkii laga fuliyay magaalada lagu qabtay saddex kamid ah kooxo burcad ah oo maandooriyaha iibinayey, kuwaasi oo laba kamid ah ay dhaawacyo soo gaareen.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay inay laamaha amaniga gacanta kusoo dhigeen hub iyo gaari khamri ah oo ay wateen ragga la qabtay oo dhammaantood ahaa dabley hubeysan oo lagu eedeeyay inay falal amni darro ka wadeen gudaha Garoowe.

Dhanka Ciidanka Booliska ayaa waxaa israsaaseynta uga dhaawacmay hal Askari iyo qof shacab ah oo ah Haweeney, waxaana haatan xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah goobaha caafimaadka magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Saraakiisha Booliska Nugaal ayaa ballan-qaaday inay xoojin doonaan hawlgalka ciidamada amaanka Puntland ay ku beegsan doonaan cid kasta oo ku lug leh falalka amni darro iyo Ganacsiga noocyada daroogada halista badan leh, ayna kaashan doonaan bulshada Magaalada.

Latest stories