HomeCaalamkaHub ka-dhigista Jabhada hubeysan ee TPLF oo si Rasmi ah u bilaabaneysa

Hub ka-dhigista Jabhada hubeysan ee TPLF oo si Rasmi ah u bilaabaneysa

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen waddanka Koonfur Afrika bishan. Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqangelinta heshiiskii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen waddanka Koonfur Afrika bishan.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.

- Advertisement -

Ku dhawaaqida heshiiskan ee Sabtidii shalay ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo dadaallada ay wadaan dhexdhexaadiyayaasha Midowga Afrika ee lagu xallinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts