HomeWararDF oo Digniin culus kasoo saartay Qaraxyo ka dhaca Magaalooyin ka tirsan...

DF oo Digniin culus kasoo saartay Qaraxyo ka dhaca Magaalooyin ka tirsan G/Hiiraan

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa Digniin culus kasoo saaray qaraxyo waaweyn oo uu sheegay inay Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geysteen magaalooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan. Qoraal uu bartiisa gaarka ah kusoo qoray Taliye Mahad Alle ayaa waxaa uu ku sheegay in Al-shabaab ay qorsheysay in qaraxyo ka […]

- Advertisement -

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa Digniin culus kasoo saaray qaraxyo waaweyn oo uu sheegay inay Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geysteen magaalooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qoraal uu bartiisa gaarka ah kusoo qoray Taliye Mahad Alle ayaa waxaa uu ku sheegay in Al-shabaab ay qorsheysay in qaraxyo ka geysato Magaalooyinka Baladweyne, Jalalaqsi iyo Buulo-burte oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi ayaa faray laamaha ammaanka Gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si looga hortego qaraxyada oo uu xusay inay dhici karaan todobaadkaan gudihiisa, waa sida uu yiri

Sidoo kale Taliye Mahad Alle ayaa shacabka Magaalooyinka Baladweyne, Jalalaqsi iyo Buulo-burte  ka dalbaday inay iyaguna muujiyaan taxadar dheeri ah, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Maamulka Hirshabeelle.

“Dhammaan dadweynaha somaliyeed gaar ahaan reer b.weyne b/burto iyo jalalaq waa inay galaan feejignaan abni oo dheeraada oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda AS ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn  oo ka dhaca deegaanadaas asbuucaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay Saraakiisha hayadaha abniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanayna waxan ka codsaneynaa inay howlahooda labalaabaan” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska G/Banaadir.

- Advertisement -

Shalay ayey aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay Digniin ku socota shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay digtay inay tagaan Hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ay dadka isugu tagaan, iyadoona sheegtay in Al-shabaab ay qorsheyneyso weeraro ay ka geysato Muqdisho.

Latest stories