HomeWararMadaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta gaaray Zambia & kulamo uu bilaabayo

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta gaaray Zambia & kulamo uu bilaabayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

- Advertisement -

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Lusaka  ee caasimadda dalka Zambia waxa uu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi, Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isagoona halkaas kulamay inta badan wakiilada Beesha Caalamka ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynah ayaa wakiilada uu la kulmay kala hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda iyo Iskaashiga Puntland iyo Beesha Caalamka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts