HomeWararDowladda oo soo saartay Digniin la xiriirta weeraro lala damacsan yahay Muqdisho

Dowladda oo soo saartay Digniin la xiriirta weeraro lala damacsan yahay Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta soo saartay Digniin cusub oo ku socota shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taasi oo la xiriirta weeraro ka dhaca magaalada oo ay dowladda sheegtay inay qorsheysanayaan Al-shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan guud, inta […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta soo saartay Digniin cusub oo ku socota shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taasi oo la xiriirta weeraro ka dhaca magaalada oo ay dowladda sheegtay inay qorsheysanayaan Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan guud, inta ay dalka ka socdaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

- Advertisement -

Wasaaradda Warfaafinta ayaa milkiileyaasha hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsi, kuna yaalla magaalada fartay inay iyaguna muujiyaan taxadar dheeraad ah, sidoo kalane dowladda ayaa shacabka uga digtay inay tagaan meelaha khatarta uga imaan karto.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaas kusii daray in shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka dowladda Federaalka, si looga hortego falalka amni darro ee dhaca.

Hoos ka Akhriso Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta

- Advertisement -

 

Latest stories