HomeWararDeni oo Nairabi kaga qayb galay Munaasabad lagu Taageerayo hannaanka Dimuqraadiyadda

Deni oo Nairabi kaga qayb galay Munaasabad lagu Taageerayo hannaanka Dimuqraadiyadda

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya.

- Advertisement -

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, Xildhibaanka Degmada Kamakunji ee Xaafadda Islii Mudane Yusuf Xasan, Xildhibaano heer Federaal iyo Heer Puntland ah, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo  Wakiilka Puntland ee Kenya, qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya sida Ganacsatada, Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts