HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerar Qaraxyo ku billawday oo Al-Shabaab ku...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerar Qaraxyo ku billawday oo Al-Shabaab ku qaaday Qaayib

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee SONNA.

General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaaro gaarsiyeen kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.

Wararka waxay intaa ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka xilli dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Latest stories