HomeWararSawirro: Madaxweyne Guudlaawe oo Maanta gaaray degaano laga qabsaday Al-shabaab

Sawirro: Madaxweyne Guudlaawe oo Maanta gaaray degaano laga qabsaday Al-shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laga qabsaday Al-shabaab. Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ( Axmed daaci) iyo Saraakiil […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laga qabsaday Al-shabaab.

Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ( Axmed daaci) iyo Saraakiil waxaa deegaanka Nuur dugle kusoo dhoweeyay Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole,

- Advertisement -

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kormeeray dhammaan deegannada laga maalin kahor lagala wareegay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Masaxweyanaha ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay isaga baxeen dhamaan deegaanadaan ay ku sugnaayeen, isagoo xusay in dhamaan deegaannada laga xureeyay ayna ka jirin wax horumar ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay kaabiga ku hayaan deegaanka Guulane oo hoostaga degmada Aadan yabaal.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa shacabka deegannadaan ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, ee ka socda deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Latest stories