HomeWararMuxuu MW Xasan Sheekh kala hadlay Guddiga la-dagaallanka Lacag dhaqidda?

Muxuu MW Xasan Sheekh kala hadlay Guddiga la-dagaallanka Lacag dhaqidda?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha lagula dagaalamayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha lagula dagaalamayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa.

- Advertisement -

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha waxa loogu yeero Argagixisada, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa loo geystay ardayda, hooyooyinka, iyo waxgaradka.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF).

- Advertisement -

Kulankan waxaa ka qeyb galay  Raisul Wasaare Xamze Cabdi Barre Wasiirrada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

Latest stories