HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir ka furay Garoowe & Arrinta looga hadlayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir ka furay Garoowe & Arrinta looga hadlayo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah. Shirka ayaa waxaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Shirka ayaa waxaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu shirkan leeyahay maadaamaa looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Guddomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaanada Maamulkaas.

Latest stories