HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir ka furay Garoowe & Arrinta looga hadlayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir ka furay Garoowe & Arrinta looga hadlayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah. Shirka ayaa waxaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Shirka ayaa waxaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu shirkan leeyahay maadaamaa looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Guddomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaanada Maamulkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts