HomeWararRuushka oo Korontadii iyo Biyihii ka jaray qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ruushka oo Korontadii iyo Biyihii ka jaray qaar ka mid ah Magaalooyinka Ukraine

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ruushka ayaa sii xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, gaar ahaan isaga oo waxyeello ballaadhan soo gaarsiiyey xarumaha korontada iyo biyaha ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla. Weeraradan ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ruushku uu ku eedeeyey Ukraine inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ruushka ayaa sii xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, gaar ahaan isaga oo waxyeello ballaadhan soo gaarsiiyey xarumaha korontada iyo biyaha ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla.

Weeraradan ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ruushku uu ku eedeeyey Ukraine inay weeraro ku qaaday maraakiibta Ruushka ee ku usgan badda madow.

- Advertisement -

Duqa caasimadda Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay caasimaddu inay gooyeen korontadii iyo biyihii qaybo badan oo ka mida magaalada, taasoo keentay in 80% shacabka ku nool caasimaddu inaanay haatan haysan biyihii qasabadda.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ukraine oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa cambaareeyey weeraradan. Dhinaca kalena, ciidamada Ukraine oo barta ay ku leeyihiin Telegram, qoraal ku soo qoray ayaa sheegay in dhawr duqaymood oo dhinaca cirka ah in Ruushku uu la beegsaday kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, isaga oo duqaymahaas u adeegsaday illaa 50 gantaal oo waaweyn, hase ahaatee waxay sheegeen inay ku guulaysteen inay soo ridaan 44 gantaal oo ka mida 50-kaas gantaal.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts